Kooxda Arsenal oo markeedii 14-aad ku guuleysatay koobka ugu faca wayn dunida

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa xalay markeedii 14’aad ku guuleesatay koobka ugu faca wayn dunida ee FA Cup’ka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ayay kooxda Arsenal kaga hor timid dhigeeda Chelsea taas oo ay kaga adkaatay 2-1. Waxaana labada gool ay kooxda Arsenal kaga mahad celinaysaa ciyaariyahankeeda reer  Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Arsenal ayaana nasiib u heshay in ay dheesho koobka Uefa Champions League maadaama ay ku guulaysatay koobka FA Cup’ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here