Kulanka Ugu Horreeya Ee Harry Maguire Uu U Ciyaarayo Xulkiisa England Oo La Xaqiijiyey

Harry Maguire ayaa taam usoo noqday xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 kaddib maalmo uu tababarka si buuxda u qaadanayay.

Kabtanka Manchester United ayaa shaki la gelinayay taam ahaanshihiisa kulamada wareegga hore ee hormooyinka, laakiin 48 saacadood ka hor kulanka Wembley Stadium uu xulka qaranka England ku qaabbilayo Scotland ayaa la shaaciyey in Maguire uu diyaar yahay oo uu ciyaartaas  qayb ka noqon karo.

Harry Maguire ayaa naf ahaantiisa warbaahinta la hadlay oo shaaciyey kulanka uu taamka u noqon karayo, waxaanu yidhi: “Waan fiicanahay waanan soo laabtay, waxaanan tababarka qaadanayay muddo. Waxa aan rajaynayaa inaan ciyaari doono {kulanka Scotland}.

“Waxa aan diyaar u ahay xulashada tababaraha. Marka aan ka hadlo dhaawacii kuraanta, waxa aan dareemayaa inuu deggan yahay iyo in aan diyaar ahay. Waxa aan dareemayaa taam ahaansho iyo firfircooni, mana jirto wax khatar ah oo aan dareemayo.”

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa dhinaciisa ka xaqiijiyey, in caafimaad ahaan uu Maguire taam yahay, aadna ay ugu faraxsan yihiin inuu soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here