Laba arrimood oo taariikhda u geli doona Farmaajo hadii sida lagu heshiiyay ay doorashadu u dhacdo

8-da bisha Febraayo ee sanadka 2021-ka waxaa lagu balansanyahay in baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu soo doorto madaxweynaha dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, oo ka bilaabaneysa maalinkaas.

2-dii bishan October madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saaray jadwal doorasho oo ay heshiis ku yihiin, kadib mudo ku dhaw bil ah oo ay Muqdisho kuwada sugaanaayeen.

Jadwalkaas ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo 8-da bisha Febraayo ee sanadka soo socda oo haatan ay ka harsantahay 123 maalmood.

Waxaa maalinkaas madaxweyne Farmaajo u dhamaaneysa afartii sano ee loo soortay hoggaaminta Soomaaliya oo ka soo bilaabatay 8-dii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.

Hadii sidaas uu ku dhaqan-galo jadwalkaas, madaxweyne Farmaajo waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya soo mara oo doorashada dalka waqtigeeda ku qabta, isagoo aan maalina ku darsan.

Sidoo kale hadii dib loo soo doorto madaxweyne Farmaajo, maadaama la aaminsanyahay in mar labaad uu isisoo sharixi doono, waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo dib loo soo doorto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan heysta fursad ay taariikhda ugu geli karaan labadaan arrin ee kala ah, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka doorasho geliya, isagoo aan maalina ku darsan iyo hadii dib loo soo doorto, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee mar labaad hoggaaminta Soomaaliya loo doorto.

Inta aan la gaarin heshiiskan doorasho ee dhexmaray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo noqolkiisii koowaad uu soo baxay 17-kii bishii hore ee Sebtember, madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xamanayey inuu doonayo mudo kororsi, ugu yaraan laba sano ah.

Hoos ka eeg jadwalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here