Maamulka Jaamacada Plasma Faraceeda Magaalada Beledweyne ayaa maanta Xaflad Qalinjabin iyo Sagootin isugu jirta u sameysay Arday ka qalin jabisay kuliyaddo ka mid ah kuliyadaha jaamacadaasi bixiso

Maamulka Jaamacada Plasma Faraceeda Magaalada Beledweyne ayaa maanta Xaflad Qalinjabin iyo Sagootin isugu jirta u sameysay Arday ka qalin jabisay kuliyaddo ka mid ah kuliyadaha jaamacadaasi bixiso.

Munasaasabada Qalinjabinta Ardeydan ayaa ka dhacday Hotel Daarusalaam waxaana ka qayb galay Maamulka Jaamacada Guddomiye ku xigeenka Barlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheikh isaaq maamulka Gobalka hiiraan waalidiin iyo saxiibo badan oo si weyn farxada ula qaatay Ardeyda maanta qalinjabisay.

Inti ay socotay Munaasabada waxaa si weyn looga hadlay Muhiimada ay lee dahay waxbarashada ayadoona ardeyda maanta Qalinjabisay lagu dhiira-galiyey in ay sii wataan waxbarashadooda.

Maamulaha Jaamacada Palasma Faraceda b weeyne Ustaad Cabdi Naasir Oo dahfuray Munasabada ayaa sharaxaad kabixiyay Kuliyadah ay Kaqalin jabiyen Dufcadaan 7aad

Qaar kamid ah Ar darydi dhameysay heerka 1aad ee waxbarashada Ayaa kashekeyay waxyabihi ay barten iyo Dhibaatoyinka Ay somaren inta ay Kujiren waxbarashada

Gudomiye kuxigeenka 1aad Ee barlamanka Hirshabeele Mudane siraaji Sheekh isxaaq ayaa Sharaxaad kabixiyay Ahmiyada ay ledahay Waxbarashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here