Madaxdii hore ee dalka oo tagay magaaladda Kismayo.

Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madobe.

Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa ka mid ahaa wafdiga maanta tagay Kismaayo kuwaas oo ka qayb geli doonaa caleemasaarka Madaxweyene Madoobe.

Labo diyaaradood ayaa qaaday siyaasiyiinta uu ka mid yahay Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame, Hogaamiya Xisbiga Wadajir.

Magaaladda Kismaayo ayaa marti gelineysa masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Dowladda dhexe iyo masuuliyiin madax kasoo noqday maamul goboleedyadda. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka ayaa tagay caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Dowladda Federal-ka ah oo aan Axmed Madoobe u qoonsaneyn Madaxweyne ayaa ku guul darreysatay in ay baajiso martida ka qayb geleysa caleemasaarkiisa.

22-kii September ayey Dowladdu baajisay safar uu Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, waxaana ka dhashay muran siyaasadeed.

Caleemasaarka Axmed Madoobe ayaa la filayaa in la qabto horraanta todobaadka soo socda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor soo saartay qorshe cusub oo ay ku dooneyso in doorasho cusub looga qabto magaalada Kismaayo, balse waxaa la isweydiinayaa sida ay ku suura geli doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here