Madaxwaynaha K/Galbeed oo musharaxnimada Aqalka Sare ka reebay laba ka mid ah Senatorada Mucaradka Badbaado Qaran

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo  soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee  Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, halka kursiga Xuseen Sheekh Maxamuud loo sharxay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Lafta-gareen ayaa sameeyey in kursiga Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay, uu u wareejiyey beesha Hariin ee uu kasoo jeedo lana filayo inay ku guuleysato Ayaan Aadan Cabdullahi, maadaama Lafta-gareen uu wato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here