Mahad Salaad oo MW Farmaajo ku dhaleeceeyey rabshadihii ka dhacay Muqdisho

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraal kooban ka soo saaray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo sida ay uga jawaabtay dowladda federaalka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu haatan ka quustay in kursiga uu ku raadiyo si nabad ah.

Xildhibaan Mahad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shacab dhigaayey banaanbax nabadeed loo adeegsado rasaas, isagoo sheegay in taasi ay ka turjumeyso sida madaxweyne Farmaajo ay uga go’antahay inuu doorashada boobo, sida uu hadalka u dhigay.

“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee waxyeeladu ay ka soo gaartay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamin,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here