Maxaa hor yaalla kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya mid ka mid ah kula madooda caadiga ah ee kalfadhiga 6aad oo dhawaan furmay.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariin lagu ogeysiinayo in Arbacada maanta 23-ka October uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka.

Ajandayaasha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 1aad ee Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada iyo Akhrinta, 1aad ee ka mid Noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan iyo Sidoo kale Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka  Istaatistikada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here