Maxay ka wadahadleen Rooble iyo maamul goboleedyada?.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee BFS.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Shirka ayaa dirada lagu saaray sidii loo dardargalin laha arrimaha doorashooyink  baarlamaanka golaha shacabka iyo dhameystirka kan aqalka sare sii doorashada dalka hore loogu anba qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here