Maxay warka uga soo muuqdeen marwooyinka Rooneey iyo Vardy?

Colleen Rooneey ayaa ku eedeysay Rebekah Vardy in ay sheekooyinkeeda u gudbisay wargeyska the Sun – arrintaasna marwo Vardy si adag ayey u beenisay.

Xaaska Rooney ayaa twitter-keeda kusoo qortay in sheekooyinka ku jira Instagram keeda oo qaas ah uu wargeysku u dhacay islamarkaana lasoo bandhigay iyadaa oo aan raali ka ahayn.

Colleen Rooneey waxaa qaba cayaaryahanka Wayne Rooney, waxayna sheegtay in instagram keeda uu arki karo hal qof oo ah marwo Vardy.

Waxyar uun kadib markii xaaska Rooney ay sheegtay eedaha ayaa xaaska Vardy waxay jawaabteeda kusoo qortay Instagram ka iiyadoo diiday in ay lug ku leedahay eedaha.

Rabekah Vardy oo uu qabo cayaaryahanka Jamie Vardy ayaa qortay: “Sida aan telifoonka kuugu sheegayba waxaan u malaynayaa in aad isoo wici lahayd haddii aad sidaas u malayneyso..

“Marnaba qof kalama aanan wax adiga kugu saabsan iyadoo suxufiyiin badan ay i weydiisteen cadaymo. Haddii aad ogtahay in sidaas ay dhacayso waad ii sheegi lahayd anna lambar sireedkeyga ayaan badeli lahaa bal haddii ay baaqaneyso.”

Waxay sidoo kale sheegtay in ay dad badan isticmaali karaan Instagram keeda. Xaaska Vardy ayaa hadalkeeda ku dartay “kuma faraxsani lacagna uma baahni, maxaan ka helayaa in aan sheekooyinkaaga iibiyo. Waan ka carooday Colleen in aad sidaas samayso gaar ahaan xilligaan oo aan xaamilo ahay.”

Warbaahinta cayaaraha ka faaloota ayaa aad u hadal haya isqab-qabsiga u dhexeeya dumarka caanka ah ee u dhaxay cayaaryahanadda Wayne Rooney iyo Jamie Vardy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here