Maxkamadda Sare ee Hindiya oo mamnuucday in dhirta laga guro Mumbai

Maxkamdda Saree Dalka Hindiya ayaa masuuliyiinta Dowladda u sheegtay in aysan jarin geedaha ku yaala dhulka duurka ah ee magaaladda Mumbai kadib markii ay dad dibaxayay iyo Booliisku isku dhaceen.

Geedaha oo ku yaala aagga loo yaqaano Aarey ayaa la jarayay si halkaas looga dhiso wado cusub oo ay tareenadu maraan. Dadka deegaanka ayaa diiday talaabadaas waxayna maxkamadda geeyeen cabasho ka dhan ah geedaha la jarayo iyagoo raadinayay in aagga Aarey laga dhigo meel la ilaaliyo.

Laakiin Maxkamadda Sare ayaa jimcihii codsigooda diiday, taasina waxaay keentay indadku ay dibad baxaan islamarkaana ay gacanta ula tagaan Ciidanka Booliiska.

Waxaa horay loo qorsheeyay in jaro 2,185 geed, Maxkamadda Sare ayaase qirtay in la jaray 1,500 oo geed-halka dadka deegaankuna ay sheegeen in la jaray 2,500 oo geed.

Maxkamadda oo mar kale maanta fariisatay ayaa xukuntay in aan geedo hor leh la jarin si looga fogaado waxyeeladda ku timaada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here