Md. Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hugaaminayo oo maal mahaan ku sugnaa dalka Ethopia ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa ayaa xarunta dalka Ethopia ugu qeyb galay daah furka munaasibad lagu daah furaayay dhisme taariikhi ah oo dib loo casriyeeyay oo ay leedahay dowlada dalkaasi. Dib usoo laabashada dalka ee madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadeysa in u muuqda in dib ay u soo cusboonaatay xiisada siyaasadeeda ee ka dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo ay madaxweynaha dalkaas maal mahaan kuwada sugnaayeen Adis ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here