Nabadoon ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Golaha Shacabka oo lagu dilay Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa galabta waxa ay xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay nabadoon caan ka ahaa degmada.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye.

Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ayaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa Somsoon.com u sheegay in dilka Nabadoonka ay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aad ugu dhaweed halka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Boondo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada.

Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here