Neymar oo ka dhutiyay cayaartii Brazil iyo Nigeria

Cayaaryahanka Neymar ayaa ka dhutiyay kulankii bar-bar dhaca kusoo dhamaaday ee qarankiisa Brazil uu la yeeshay Nigeria 12 daqiiqo kadib markii uu kulanku billowday.

Dhaawac ayaa kasoo gaaray bowdada, waxaana 27 jirkaan lagu bedelay Philippe Coutinho .

Neymar ayaa kulankiisii 101 aad u saftay Brazil waxaana uu rajaynayay in uu jabiyo rikoorka Ronaldo ee goolasha uu u dhaliyay Brazil oo ah 62 gool.

Neymar waxaa sanadkaan la degay dhaawac kasoo gaaray kala-goyska aanqawga waxaana uu seegay cayaarihii Copa America ee xagaagaan.

Cayaarta maanta Singapore ku dhexmartay Nigeria iyo Brazil ayaa Nigeria waxaa ay hogaanka cayaarta qabatay daqiiqadii 35 aad markii uu Joe Aribo diilinta ganaaxa kubadda kasoo laaday.

Waxay taasi cayaarhanka ka dhigtay in uu dhaliyo goolkiisii labaad  ee cayaaraha caalamiga ah.

Brazil ayaa bareejeysay sedax daqiiqo markii ay socotay qaybta labaad ee cayaarta kadib markii uu Casemiro kubadda meel fog kasoo shuuday.

Fursado kale oo gool noqon karay ayaa ka khasaaray Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here