NOOCYADA SHEEKOOYINKA SAXAAFADDA

Sheekooyinka wararka ama warka culus (New stories) – Sheekooyinka ku saabsan wararku waxay noqon karaan dhacdooyinka ama mawduucyo aloosan. Waxay noqon karaan wax ama dhacdooyin la filayo(sida shirsaxaafadeed xukuumaddu qabato, ama doorashooyinka) ama war soo dhacay oo ah dhacdo aan la filayn(sida shil baabuur, duufaano, duqeyn)ama waxay noqon karaan sheekooyin la dabo galayo oo khuseeya dhacdo weyn oo horay loo tebiyey.

 Falanqeynta wararka (News analysis)- warka ka danbeeya warka: sheekooyinkani sida caadiga ah  waa kuwo dhaadheer oo aad u faah faahsan. Lama soo wariyo uun wixii dhacay-waxay sharaxaan sababtii ay u dhacday iyo waxay saameyn yeelan doonto, waxay isku daraan xaqiiqda iyo fikrado ay bixiyaan khabiiro si ay dhageystayaasha ugu fududeeyaan inay aad u fahmaan dhacdo wareedka ama mawduucan.

 Sheekada Warbixinta ah (Feature stories) –sheekooyinka dhaadheer,si ka duwan wararka ayaa loo qoraa(way ka duwan tahay habka wararka. Waxay noqon kartaa “ka Warbixinta sheekooyin hore”Taasi oo si qoto dheer u sharaxaysa war weyn  oo hore u dhacay amase taasi oo khuseysa dhacdo gaar ah sida (maalinta xoriyada;Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda haweenka)ama waxyabo ay dadku xiiseeyaan sida taariikho khuseeya nolosha dad miisaan leh(dadka caanka ah sida abwaanka;qof bilaa guri ah oo u nolosha u halgamaya, hooyo faqiir ah oo ku dadaalaysa sidii ay u quudin lahayd ubadkeeda)

 Sheekooyinka baadhista(wararka ama warbixinnada) (investigative stories)- sheekooyinka si hoose ama qoto dheer u qodaya mawduuc soo bandhiga wax khaldan ama caddaalad darro. Waxay u baahantahay cilmi baadhis wakhti dheer ah iyo hubin xaqiiqeed, sababtoo ah waxay ku lug leedahay war ama sheeko qarsoonayd oo la soo bandhigayo.

 Faalooyinka/ Fikradaha urursan (Commentaries/Opinion pieces)-Sheekooyin uu qoray qof danaynaya fikradahooda ku saabsan mawduuc. Sheekooyinkaasi waa inay si cad ugu qayaxan yihiin inay yihiin rayi,oo ay ka madaxbanaan yihiin sheekooyinka wararka. 

Suxufi kastaa waxaa laga yaabaa inuu sheekooyinka qaarkood samayntooda ku wanaagsan yahay qaarna uu ku liiito,  Si adag u shaqee si aad kor ugu qaado xirfadaahaaga gaar ahaa kuwa aad ku liidato, si aad uga miro dhaliso sheekada aanad ku fiicnayn. Isweydii:”Sheekooyinka noocyadeen ku fiicanayahay anigu ama aan ku raaxaystaa, iyo sheekooyinka noocyadeen u baahanahay inaan u shaqeeyo si adag oo ka duwan kuwa kale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here