Qayb ka mid ah khadka Tareenadda Hong Kong oo dib loo furay.

Qayb ka mid ah Khadka tareenadda Jasiiradda Hong Kong ayaa dib loo furay saacadihii hore ee saaka iyadoo ay wali xiranyihiin qaybo ka mid ah xarumaha tareenadda laga raaco ee magaaladdda.

Adeegga ayaa la joojiyay Sabtigii kadaib markii dibadbaxayaasha Dowladda ka sooa horjeeda ay weerareen  xarumaha Tareenadda iyo goobo Ganacsi, taasi oo loo arkay khatar waxyeeli karta adeegga Tareenadda.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa isku dayaya in ay meesha ka saaraan sharci u diidaya dibadbaxayaasha in ay xirtaan maaskaraha wajiga. Waxay sharciga u arkaan in uu yahay mid baalmarsan dastuurka, waxayna wadaan qorshe ay ku doonayaan in baarlamaanka horgeeyaan sharci kale oo u daneynaya dadka Dowladda Diidan.

Mudaharaadayaasha ayaa diiday in ay u hogaansamaan mamnuucista lagusoo rogay ee Maskaraha loogu diiday waxaynata tas badelkeeda werarro ku qadeen xarumaha adeegga dadweynaha.

Hogaamiyaha Jasiiradda Hong Kong ayaa markii u horreeysay mamnuucistaan keentay waxaana lagu eedeeyay in ay kaso qaadatay sharciyaddii gumeystuhu uu caburinta u adeegsan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here