Ra’iisul Wasaare khayre oo la kulmay Taliska Booliiska

Somsoon;-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa uu booqday xarunta dhexe ee Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxaana uu la kulmay Taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale.

Khayre ayaa gudoomiyay kulan muddo kooban qaatay oo uu la yeeshay  Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar iyo labadiisa ku xigen.

Waxay kulankooda uga hadleen dar-dar gelinta howsha Booliiska iyo sidii Ciidanku ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda guud ee Amniga. Sidoo kale intii uu kulanku socday waxaa ay falanqeeyeen dib u habeynta Ciidanka Booliiska, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa wada qorshe dib loogu habeynayo Ciidanka Booliiska islamarkaana lagu xaqiijinayo in askari walba uu helo xuquuqdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here