Ra’iisul Wasaare Khayre oo shir caalami ah u qayb gelaya Washington

Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Maraykana si ay uga qayb galaan shirka Sanadlaha ee Bangiga Aduunka iyo Hey’adda lacagta ee IMF.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa ka mid ah wasiirro ka tirsan Xukuumadiisa waxayna diyaarad gaar ah ay ka raaceen magaaladda Muqdisho.

Shirka Bangiga Aduunka iyo IMF waxaa looga hadlayaa xasiloonadda dhaqaalaha aduunka iyo maaraynta lacagaha wadamadda deeqda iyo deymaha ka hela labada hey’adood ee dunida u qaabilsan lacagta.

Barnaamijka deyn cafinta ayaa la filayaa in ay si gaar ah wafdiga Soomaaliya ugala haldaan madaxda IMF iyo Bangiga Aduunka. Waxay sidoo kale dhinacyadu isla eegi doonaan sida ay Soomaaliya uga soo baxday shuruudihii lagu xiray deyn cafinta.

Soomaaliya waxaa ay shirkaan ka qayb geleysaa iyadoo dhawaan uu Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka uu soo saaray baaristisii miisaaniyadda waxaana uu ku sheegay in ay jiraan hey’ado badan oo aan sameyn xisaab celin iyo in ay lacag badan ka maqantahay qasnadda Dowladda.

Goor dambe ayaa Maxamed Cali Afgooye waxaa u sheegay in lacagta maqan ay ku jirto bangiyo dibadda ah oo ay Soomaaliya xisaabaad ku leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Raxmaan Ducale Beyle ayaa beeniyay warbixinta Hanti Dhowr-ka waxaana ku tilmaamay wax kama jiraan qodobadda warbixinta ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here