Rooble oo kulan la qaatay guddiyada doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa dhowr sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here