Ryan Giggs “Daniel James ma uusan miir daboolmin ee waxaa uu sameeyay jilliin”

Ryan Giggs oo ah macalinka xulka qaranka Wales ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu sii cayaaro Daniel James oo loo arkayay in uu miir daboolmay kadib markii ay ku dhaceeb labo cayaaryahan oo ka tirsan xulka Croatia.

Macalin Giggs ayaa sheegay in cayaaryahan Manchester United uu sameeyay jiliin balse uusan miir daboolmin, taasna waxaa lagu ogaaday markii ay kooxda  caafimaadku baaritaan ku sameeyeen.

Cayaaryahanka garabka ka cayaara ee Daniel James oo sidoo kalena u safta Manchester United iyo xulka qaranka Wales waxaa soo gaaray jug culus waxaana uu muddo daqiiqado ah jiiftay roogga garoonka.

Kooxda caafimaadka deg-degga ah ee Wales ayaa garoonka soo galay si ay u hubiyaan caafimaadka cayaaryahanka.

Kaamiradaha garoonka ayaa muujinayay cayaaryahanka oo aan xitaa nuuxsi lahayn taasi oo lagu micneeyay in uu cayaar yahanku suuxay ama uu miir daboolmay, balse waxaa taas beeniyay Ryan Giggis oo sheegay in uu Daniel sameeyay jilliin.

Daniel James oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in si wanaagsan u cayaaray kulankii uu dalkiisu la yeeshay Croatia ee ku dhamaaday bar-bardhaca 1-1 ah waxaana uu beeniyay in uu suuxay.

Isagoo u waramayay Sky Sports ayuu yiri “waan fiicanahay, madaxa ayey iiga dhaceen, balse nasiib wanaag ma aanan miyir daboolmin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here