Saciid Deni liiska musharaxiinta Aqalka Sare Ka reebay Senator Mashruuc& Xalada Oo Culus

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka reebay Senator Maxamuud Mashruuc, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Saree e Soomaaliya.

Mashruuc, oo kasoo jeeda gobolka Bari, ayaa ka mid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee sida weyn u mucaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu ka tirsanaa Aqalka, waxayna isku qabteen arrimo badan oo ay ugu weyn tahay difaaca danta Puntland, taasi oo ay ka sinnaayeen Deni.

Mashruuc ayaa caan ku ahaa mowqifyadiisa difaaca doodaha siyaasadda Puntland sida; sharciga shidaalka iyo khilaafkii arrimihi waxbarashada, oo uu dagaal xooggan u galay markii ardayda Puntland loo diiday shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hase yeeshee, Deni iyo Mashruuc ayaa siyaasad ahaan ku kala aragti duwanaa siyaasdaha gudaha Puntland, sida mashruucii qandaraaska PDG, oo Deni uu meesha ka saaray kuna wareejiyay xubno ka tirsan qoyskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here