Sagaal Xubnood Oo Ka Mid Ah Guddiga Doorashada Ee G/Waqooyi Oo Awood Loo Siiyey In Farmaajo Soo Xusho.

Xog la isku haleyn karo oo ay heshay warbaahin somsoon ayaa tibaaxaysa madaxweyne Farmaajo ayaa wali farogelin ku haya soo magacaabista guddiyada doorashada ee gobalada Waqooyi. 

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana laga soo doorto Gobalada Waqooyi ayaa warbaahinta  u sheegay 15-ka xubnood ee gobalada Waqooyi ay 9 kamid ah ku imaan doonaan rabitaanka Farmaajo, halka 6-da kale uu soo gudbin doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Cabdi Xaashi. 

Xogta ayaa Sheegaysa in 6-da Xubnood ee la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed laga soo gudbin doono xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, xogta ayaa tibaaxaysa  in 3-da xubnood ee kalana oo uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagana ay Villa Somalia ku heyso farogelin, waxaana arrintaan ka qaylo dhamiyey siyaasiinta gobalada Waqooyi. 

Xildhibaanada laga soo doorto gobalada Waqooyi iyo kuwa kale ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali maamulayo soo magacaabista guddiyada ka imaanaya gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyagoona baaq u diray RW Rooble.

xubnaha gobollada waqooyi, ka sokow madaxweyne Farmaajo ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xubnihii laga soo xulay HirShabeelle, oo badankood la sheegay inay ku yimaadeen rabitaankiisa,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here