Sarkaal ka tirsan Wasaarada Maaliyadda Puntland oo Galkacyo lagu dilay

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Mas’uulkan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay  Xassan Cabdille Hiraabe waxaana uu  ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug.

Dadkii  dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.

Laamaha amaanka Puntland weli war kama aysan soo saarin hadii ay dad kusoo qabteen howgal ay ka sameeyeen magaaladda.

Saraalka la dilay, Xuseen Cabdille ayaa horey uga tirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo waxaana uu soo noqday kuxigeenka Duqa magaalada.

Hadda waxaa uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here