Sheekh Shaakir oo magacaabay guddi doorasho

Madaxa Xuakuumadda Maamulka Galmudug aya magacaabay Guddiga Farsamadda doorashada Galmudug iyo xalinta khilaafaadka kadib markii uu is-fahmi-waa ku dhamaaday kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sheekh Shaakir oo soo xiganaya qodobka 120 aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee federalka iyo qodonka 79 aad ee Dastuurka Galmudug ayaa shegay in magacaabista guddiga ay waafaqsantahay heshiiskii ay gaareen Dowladda Federalka iyo maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood waxaana guddigii labaad ee loo magacaabo in uu ka shaqeeyo doorashadda Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa 8dii bishaan waxay magacawday guddi ka kooban 12 xubnood kaasi loo xilsaaray in uu ka shaqeeyo doorashadda Galmudug iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha.

Balse, Ahlu sunna ayaa diiday guddigaas oo ay sheegeen in uusan waafaqsaneyn heshiikii ay la gaareen Dowladda Federalka, dhanka kalena guddia Wasaaraddu magacawday waxaa taageeray Madaxweyne Xaaf.

Shir ay xalay magaaladda Dhuusamareeb ku yeesheen Wasiir Qarafaan iyo Sheekh Shaakir ayaa kusoo dhaamay is-fahmi-waa waxayna taasi keentay in Ahlusunna ay magacaabaan guddi Cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here