Sheekh Shariif “Ma filayo in ay dalka ka dhaceyso doorasho”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xaflada caleema saarayay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa diirada saaray xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah khudbadiisa ugu milicsaday arimaha doorshooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan horaanta sanadka 2021.

Shariif ayaa sheegay in marka laga fiiriyo waqtigaan sida wax ku socdaan aanan la fileynin in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Ma filayo in ay dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato”.

Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday xanibaada duulimaadyada ee dowlada federaalku ay saartay maamulka Jubaland waxa uuna sheegay in shacabka deegaanadaasi aysan mudneyn in la cuna qabateeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka reer Jubaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudneyn in lagu abaal mariyo cuna qabateyn” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheek Axmed.

Inta badan siyaasiyiinta ka qeyb gashay xaflada caleema saarka Axmed Madoobe ayaa ka sinaa dhaliisha siyaasada ay xiligaan dalka ku hugaaminayaan madaxda dowlada federaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here