Soomaaliland oo ka hadashay ciidan u goostay Puntland

Xukuumadda Soomaaliland ayaa sheegtay in Ciidan hawaan u goostay Puntland ay ahaayeen kuwo markii hore aan faa’iifo ugu fadhin ciidanka Soomaaliland islamarkaana aysan waxa kusoo kordhin doonin dhinaca Puntland ee ay u gooteen.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan ciidan badan ka goosan balse ay askar tiro yar ka tageen.

Axaddii todobaadkaan ayaa Ciidan la sheegay in ay ka tirsanaayeen guutadda 93-aad ee military-ga Soomaaliland waxay u goosteen Puntland waxaana Barankusoo dhaweeyay sarakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Si la mid ah bishii August Ciidan ka tirsanaa military-ga Soomaaliland ayaa u goostay dhanka Puntland , Taliyaha military ga Soomaaliland oo xilligaas warbaahinta la hadlayna waxaa uu sheeegy in ciidanka goostay ay ahaayeen kuwo ay Soomaaliland khasaare ku qaabtay.

Dhanka kale Wasiika Cadaaladda Soomaaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax ayaa beeniyay war sheegaya in deegaanaddii ay ciidanku ka tageen laga dejiyay calanka Soomaaliland waxaana uu hadalkiisa ku daray in askar aan badneyn eee u goostay Puntland ay yihiin kuwo aan waxaba soo kordhin doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here