Turkiga iyo Ruushka oo u heshiiyay Kurdiyiinta Suuriya

Turkiga iyo Ruushka ayaa gaaray heshiis ay ku tilmaamen mid taarikhi ah kaasi oo Kurdiyiinta ka dheereynaya xuduudda Turkiga iyo Siiriya.

Turkiga ayaa Bishaan waxaa uu bilaabay guluf uu ku qaaday xoogga Kurdiyiinta ee ku sugnaa xuduudda Siiriya si uu halkaas uga sameeyo aag dagaalka ka caagan oo uu doonayo in ay degaan dadka siiriya ee qaxootiga ku ah magaalooyinka Turkiga.

Ruushka oo xulifo weyn u ah Bishaar Al-Assad ayaa walaac ka muujiyay weerarka Turkiga waxaana uu sheegay in uu ka dheeraanayo in ay isku dhacaan ciidanka Turkiga iyo kuwa Siiriya.

Turkiga iyo Ruushka hadda waxay sameyn doonaan gaaf-wareeg wada jir ah oo ay ka sameynayaa dhulka xuduudda ah si xoogga kurdiyiinta looga dheereeyo aagga dagaalka ka caagan ee Turkigu sameynayo.

Sidoo kale labadda Dowladood waxa ay ka wada shaqayn doonaan in Kurdiyiinta laga saaro magaalooyin hor leh oo ay ka mid yihiin Manjib iyo Tal Rifat.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii ay kulmeen Vladimir Putin iyo Rajab Dayib Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here