Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan C/laahi Bahdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta yimid magaaladda Muqdisho waxaa loo sameeyay soo dhaweyn sare.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdiga Jabuuti ee Wasiir Bahdoon hogaaminayo.

Booqashadda wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay mid rasmi ah islmarkaana maalmaha soo socda ay magaalada Joogi doonaan.

Ridwaan C/laahi Bahdoon ayaa la kulmi doona madaxda Dowladda Federal ka ah balse lama sheegin ujeedka rasmiga ah ee wafdiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here