Wafdi uu hoggaanimayo Aadan Barre Ducaale oo ka soo duulay Nairobi kuna wajahan Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha aqlabadiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyagoo ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay uga qeyb galayaan caleema saarka Axmed Madoobe.

Waxaan ilaa hadda la ogeyn in wafdigaas uu soo mari doono magaalada Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ay soo maraan diyaaradaha ka imaanaya dalka Kenya ee ku wajahan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hey’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii ay horay dowladdu u saartay diyaaradaha taga Kismaayo oo khasab ka dhigeysay in ay Muqdisho soo maraan.

Xubno ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa horay u shaaciyay in ay ka qayb galayaaan xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Haatan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here