Wafdi uu hor kacayo MW Farmaajo oo goor dhaw u ambabaxay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shir deg-deg ah oo madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay uga arrinsanayaan xaaladda gobolka.

“Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka madaxtooyada ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.”

Diblomaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee safarka Madaxweynaha ku wehelinaya waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here