Wakaaladda Madaxweyne Xaaf, waran ku taagan doorashadda Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale geele Xaaf ayaa war uu soosaaray ku sheegay in uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala laabtay wakaaladii doorashadda galmudug.

Xaaf oo soo xiganaya qodobo dastuuri ah ayaa sheegay in Dowladda dhexe ay ku xadgudubtay 44 oday oo sanadkii 2015-kii soo xulay baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu Madaxweynuhu qoraalkiisa ku sheegay in Xukuumadda Federalka ah ay faragelin ku heyso dhismaha maamulka islamarkaana uu garwaaqsaday in cadaalad darro kasoo fool leedahay Galmudug.

Warkaan ayuu Madaxweynaha Gudug ku sheegay in hey’daha maamulku ay dib uga shaqo bilaabayaan xarumahooda15-ka January.

Kadib safar uu Khamiistii ku tagay Galkacyo ayuu Xaaf sheegay in mudadii uu xilka hayay ay galmudug oo dhan ku dhinteen 35 qof balse bilo uu ka maqnaa ay dhinteen 130 qof.

“Nabadda Galmudug ayaa u horreeysa waxa aan u imid in aan sideedii kusoo celino. Sida aad ogtihiin, labadii sano oo aan anigu joogay waxaa ku dhimatay 35 qof Galmudug oo dhan, intii aan hadda ka maqnaana 130 qof ayaa ku dhimatay” ayuu yiri Xaaf markii uu ka degay Galkacyo.

Warka qoraalka ah ee Madaxweynaha Galmudug ayaan sina u aqoonsaneyn dhismaha Galmudug ee hadda ka socda dhuusamareeb, balse waxaa uu ku baaqay kulan looga tashanayo dhismo horleh.

Bishii July 03, 2019 ayuu Madaxweynuhu soo saaray war qoraal ah oo ku sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka ay wakiil uga tahay dhismaha maamulka.

Warkaas waxaa uu Xaaf ku sheegay in geedi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug ay Wasaaraddu wakiil uga tahay waxaana uu hey’adaha maamulkiisa faray in ay shaqadda sii wadaan.

Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa dhameystirtay qorshii loogu tala galay dib u heshiisiinta, inkasta oo ay xusid mudantahay in weli jiraan dad aan ku qanacsaneyn saami qaybsiga maamulka.

Hadda waxaa socda soo xulista baarlamaanka maamulka waxaana uu qorshuhu yahay in maalmo kadib la doorto Madaxweynaha maamulka.

Balse warka kasoo baxay Xaaf ayaa gaabis geli kara shaqadda aan dardarta lahayn ee ka socota Dhuusamareeb.

Warka Axmed Ducaale waxaa uu muujinayaa in weli ay wax uga harsanyihiin muddo afar sano ah oo uu ku dooday in la doortay.

Si kastaba, ma’ahan markii u horreeysay ee Madaxweyne Xaaf uu ku dhawaaqo in uu kalsoonida kala laabanayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Bishii September 29, 2019 War saxafeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayuu ku sheegay in uu wakaaladdii kala noqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha e Dowladda Federaalka.

Xilligaas, Xaaf waxaa uu xusay sagaal arrimood oo uu ka walaacsanaa kuwaas oo ku kalifay in uu wakaaladda la laabto.

Hadaba waxaa is weydiin leh maxay u dhaqan geli waysay wakaalad kala noqoshadii hore? Muxuuse Xaaf ugu baahday in uu 3 billood kadib soo saaro wakaalad kala noqosho kale?

Waa su’aal uu qof walb si gaar ah uga jawaabi doono, balse waxaa hubaal ah jawaabahaasi ay la xiriiri doonaan in ay xaaladda Galmudug kasii darri karto.

In kasta oo uusan kaalin fir-fircoon ku lahayn hanaanka dib dhiska Galmudug hadana waxaa uu Madaxweyne Xaaf leeyahay saameyn uu ku weecin karo sida ay wax usocdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here