Waqtiga uu dhacayo kulan kooda koowaad guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo la shaaciyay

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axada barrito 13-ka October waxay kal-fadhiga 6aad kulankiisa koowaad ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka barrito ayaa ah dajinta ajendayaasha kal-fadhiga 6aad ee xildhibanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kal-fadhiga 6aad ee golaha shacabka ayaa sagaalkii bishan waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaddib fasax ay ku maqnaayeen mudo labo bilood iyo dhawr cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here