Warbaahinta madaxa banaan oo maanta laga mamnuucay tabinta wararka golaha shacabka

Iyadoo maanta uu furmi lahaa kalfadhiga 6aad ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey waxa uu warbaahinta madaxa banaan oo kulkii horaba looga wacay kulanka ku war galiyay in weriyeyaasha aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan xarunta golaha shacabka.

Qaar ka mid ah Weriyaashii saakay xaadiray goobta uu ka furmayo kulanka ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka ay ku war galiyeen in kulamada golaha wixii hadda ka dambeeyaa aan la ogoleyn in warbaahinta madaxa banaan in ay ka tabiso wararka ku saabsan fadhiyada golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa saakay ku shaqo bilaabay xarunta cusub oo looga dhex dhisay Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyadda Villa Somalia.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku ee deeyay goddoonada golaha iyo xukuumadda oo is kaashanaya in ay caburinayaan fadhiyada golaha sidaasna loogu soo raray gudaha madaxtooyada, balse horay ayaa loo sheegay in dib u dayactir lagu bilaabayo xaruntii hore ee golaha shacabka si ku meel gaarana ay ugu sii shaqeyn doonaan Villa Hargeysa.

Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa horay u diiday in warbaahinta madaxa banaan ay soo tabiso wararka ka jira gudaha Madaxtooyada qaranka, iyadoo taasi jirtayna waxaa hadda bilaabatay in warbaahinta madaxa banaan laga hor istaago tabinta wararka kulamada golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here