Warka Culus & Warka Fudud

Warka culus (“Hard News”), waa midka ku xiran waqtiga – waana war-maalmeedka ama dhacdo markaa taagan.Wuxuu ku saabsan yahay wax markaa dhacay oo cusub : waxaa ka mid ah wararka dambiyada, dacwadaha maxkamadaha, wararka ka soo baxa dowladda, shilalka baabuurta iyo diyaaradaha iyo wixii la mid ah.

Warka culus ah waxaa inta badan loo tebiyaa si toos ah oo sahlan . Wuxuu ku bilowdaa cinwaan ama weedh koobeysa xogta ama waxa dhacay , halka ay wax ka dhaceen , xilliga ay wax dhaceen , sababta ay u dhaceen iyo wixii la mid ah .  Qeybta hore ama sadarada ugu horreya warka oo ah waxa loo yaqaano “lead”waa mid ah xog kooban oo si fudud loo fahmi karo , inta kale ee sheekada warkana ay ku uruursan tahay.

Warka fudud (“Soft News”): Waa sheekooyinka aan waqtiga ku xirneyn waxaana ka mid ah taariikhnololeedka dadka ama taariikhda ururada ama hey’adaha, sheekooyin noocyada loo yaqaaan “feature-ka”  oo dib loogu eegayo wixii lagu soo qaatay sheekooyinka warar-maalmeedka si arrinta si qoto dheer loogu faaqido. Waxaa laga yaabaa in sheekadaa feature-ka ay la xiriirto dhacdo wareed ama waxay noqon kartaa mid aan shuqul ku laheyn.

Warka fudud – waxaa loo qoraa qaab ka duwan warka culus. Ma laha waxa loo yaqaano “lead” oo ah sadarada ugu hoorreya warka ee koobaya nuxurka guud ee warka…waxaa loo qoraa qaab aad loo qurxiyey , wax baa lagu sharraxaa waxaana lagu soo jiitaa dareenka dhageystaha waxaana lagu talagalaa in dareenka dhageystaha lagu heysto ama lagu qabsado-waxaana mararaka qaar u egtahay sidii adigoo tebinaya sheeko dhaqameed ama waxay u egtahay qaabka sheekooyinkaa loo sheego, siiba marka sheeko wareedka sahlan ay xoogga saareyso wax ku saabsan bini-aadamka – taas oo ah dadka sheekada ka qeybqaadanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here