Wasaarada Gargaarka XFS oo deeq Raashin ah gaarsiiyay Isbitaalka dhimirka ee Dr. Xabeeb.

Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka wasaarada Gargaarka iyo musiibooyinka xukuumada Soomaaliya ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay Isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb.

Deeqdaan raashinka ah ayaa ka koobneyd Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo maro kaniicooyinka.

Wasiir Cabdi rashiid oo ka hadlay deeqdaan ayaa ku amaanay wasaaradiisa in 48 saac gudahood ay uga jawaabaytay baaq ka soo yeeray Dr. Xabeeb oo ah oo ah maamulaha Isbitaal lagu daaweeyo dadka dhimirka ka xanuunsan.

Dr. Xabeeb ayaa dhankiisa ka mahad celiyay deeqda uga timid wasaarada Gar gaarka xukuumada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here