Wasiir Qarafaan oo la kulmay madaxda Ahlu sunna

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxda Ahlusuna ayaa waxaa ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Kulanka Wasiirka Arimaha gudaha iyo madaxda Ahlusuna ayaa waxaa ay uga hadleen sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan hoggaanka Ahlusunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Weli warbaahinta looma soo bandhigin waxay ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaana la filayaa in ay dhacaan kulamo kale oo ay ug arrinsanayaan dhameystirka dhismaha maamulka.

Dhismaha Galmudug ayaa xiligan waxaa wajahaya culeys weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here