Wasiirada Lubnaan oo mushaar dhimis sameynaya si xal loogu helo dibad baxyada dalkaasi

Golaha wasiirada ee dowladda Lubnaan ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan aanan caadi aheen oo ay kaga hadlayaan sidii xal loogu heli lahaa rabshadaha ka taagan qaybo badan oo kamid ah dalkaasi.

Dibad baxayada ka soconaya dalka Lubnaan oo galay maalintii shanaad ayaa ayaa dadku waxa ay kaga cabanayaan dhaqaalo xumo baahsan oo dalkaasi ka jirta.

Sidoo kale dibad baxyaasha ayaa ka cabanaya canshuurta oo ay dowladda sara u qaaday taas oo keentay caro xogaan.

Kulanka maanta ee golaha wasiirada ayaa ladoonayaa in lagu meel mariyo sharci hoos loogu dhigayo canshuurta, iyo in meesha laga saaro kalabar mushaarka ay qaataan si wax looga qabto dhaqaalaha liita ee dalkaasi.

Masuuliyiin dowladda katirsan ayaana wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Saad Xariiri, qorshahani taageersan yahay si wax looga qabto waxyaabaha ay ka cabanayaan boqolaalka kun ee dibad baxyaasha.

Hogaamiyaasha axsaabta mucaaradka ayaa sidoo kale dibad baxyada ku biiray iyagoona dalbana in xukuumada Ra’iisul Wasaare Xariiri is casisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here