Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Galmudug.

Ujeedka safarka Wasiirka ayaa lagu sheegay sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka dhashay guddiga farsamadda dhismaha maamulka Galmudug oo wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dhawaaan magacawday.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo hogaanka maamulka Ahlu Sunna iyo odoyaasha dhaqanka si looga qanciyo tabashadda ay dhismaha guddiga ay ka keeneen.

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here