Wasiiro Ka Tirsan XFS Oo Hadallo Kulul Is-Dhaafsaday.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay.

Wasiir Xamza Saciid ayaa warbaahinta u sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here