Waxaa uu la dagaalamay Al-shabaab waxaase lagu dilay meel uusan cabsi ka qabin

Sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya islamarkaana hore uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada oo lagu magacaabo Maxaadeey Saleebaan Eebakar ayaa lagu dilay bar-kontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Israsaaneyn dhexmartay ilaaladii Taliyaha guutadda Gor-Gor ee military-ga Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisii.

Goob-joobeyaal ayaa sheegay in israsaaseyntu ay dhex martay ilaaladda sarkaanka la dilay iyo ilaaladda Hotel Ma’ida Ex Nasa Hablood 2 oo u dhow taaladda Xaawo Taako.

Gaariga uu saarnaa Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Baar shabeelle, waxaana wadadaas loo ogolyahay in ay baarbuurtu ka baxaan oo keliya.

Taliye Maxaadeey ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa waxbrashada u aaday

Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here