Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland oo ka hadlay xariga Weriye ku xiran Garowe

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntland  Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga Weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman.

Axmed Sheekh maxamed ayaa horay u ahaa Agaasimihii Radio Daljir waxaana Xeer-Ilaaliyuhu sheegay in loo heysto dambiyo uu ka galay Hey’adaha amaanka maamulka Puntland.

Weriyaha ayaa saaka lagu xiray xabsiga dhexe ee magaaladda Garowe waxaana ku booqday masuuliyiin ka tirsan xafiiska xuquuqul insaanka si ay ugu kuur galaan xaaladda weriyaha.

Maxamuud Aw-Cismaan waxa uu sheegay in ay soo dhamaatay baaristii kiiska loo haystay Tallman, isla markaana guddiga gacanta ku haya baaritaan kiiskiisa ay codsadeen in lasoo xiro Tallman.

Maalinta Isniinta ah ayaa maxkamadda la hor geyn doonaa Weriye Tallman, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyuhu, si buu yiri loo dhegaysto cadeymaha ka dhanka ah dambiyada lagu soo eedeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here