Xiisad saakay ka taagan Balanbale.

Wararka ka imaanaya  deegaanka Jiicle oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay hal Ruux oo la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka Degmada Balanbale waxa ay ku dileen hal ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka,waxaana la sheegay in dilka kadib maleeshiyaadka ay goobta isaga baxsadeen,sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Balanballe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaan uu la xiriiro aanooyin qabiil.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad colaadeed ay saakay  ka taagan tahay duleedka degmada Balanbale, islamarkaana haatan hal qof la dilay.

Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe.

Dowladda soomaaliya ayaa horay heshiis u dhex dhigtay beelaha dega deegaanadad hoostaga degmada Balanbale ee gobolka galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here