Xiisad u dhaxaysa Ahlu Sunna iiyo Ciidanka Dowladda oo ka taagan Guri-ceel

Ciidamo ka amar qaata hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan la qarameeyay ayaa barqanimadii maanta isku rasaaseeyay degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.

Israsaasaynta ayaa timid ka dib markii askariga ka tirsan ciidamada dowladda oo ka tagay Dhuusamareeb uu maanta gaaray magaalada Gurceel oo mudo uu ka maqnaa.

Warar laga helay dadka magaalada Guri-ceel ayaa sheegaya In ciidamada Ahlu-Sunna ay qabasha askarigaas uga gol lahaayeen labo nin oo maalmo ka hor looga xiray magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxayna ragaas deegaano hoostaga Balambal ka wadeen qorista ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu-Sunna. 

Askariga ka yimid Dhuusamareeb oo watay gaari ayaa is rasaasayn mudo socotay waxay isaga iyo ciidamada Ahlu-Sunna ku dhex martay bartamaha magaalada Gurceel, walow aan wali lasoo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay is rasaasayntaas.

Mudo kadib ayaa ciidamada Ahlusunna waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Askarigaas waxayna ku xireen saldhiga weyn ee degmada Gurceel.

Ciidamo kale oo ka amar qaata dowladda federaalka oo ku sugan isla magaalada Gurceel ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhiidhiyeen xariga ay ciidamada Ahlusunna u geysteen askarigaas isla markaana xiisad ka dhalatay arintaas ay maanta ka taagantahay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here