Xildhibaano ka tirsan Puntland oo ka hor yimid safarkii Denni ee Kismayo

Shan mudane oo ka tirsan golaha wakiilada maamul goboleedka Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay socdaalkii Madaxweyne Deni ku tagay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadaan oo kala ahaa C/raxmaan Maxamuud Dhoore, Maxamed Axmed Cabdi C/raxmaan Jaabiri, iyo Xildhibaan Cabdullaahi ayaa caleemasaarkii Axmed Madoobe ee uu Madaxweynaha Puntland ka qeyb galay ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn maadaama uu yahay mid aysan aqoonsaneyn dowlada federaalka sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Puntland aysan u cunanmin in ay mucaarad ku noqoto dowlada federaalka maadaama sida ay sheegeen ay tahay hooyadii maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaanadaan sidoo kale waxa ay ka dhawaajiyeen in ay ka shaqeynayaan xalinta khilaafka dowlada dhexe iyo Puntland maadaama hugaamka Puntland uu ku guul dareystay xal ka gaarideeda.

Xildhibaanada Puntland ayaan looga baran in ay si cad uga horyimaadaan siyaasadaha ay deegaanka ku hugaamiyaan madaxda maamul goboleedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here