Xilliga la furayo kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ogeysiiyay Xildhibaanadda Golaha in Kalfadhiga 6 aad la furi doono sagaalka Bishaan oo ku aadan Arbacada todobaadkaan.

Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa u ku maqnaa fasax labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaana dib u dhacay waqtigii loogu talo galay furitaanka kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa 27-kii bishii hore.

War kasoo baxay  xafiiska Gudoomiye Mursal ayaa lagu  yiri “mudane Xildhibaan waxaa lagugu wargelinayaa in furitaanka Kalfadhiga 6 aad loo qorsheeyay 9 October 2019 oo ku began maalinimo Arbaco ah”.

Xildhibaanadda dibadda ku maqan waa in ay dalka soo galaan ugu dambeyn 7da bishaan oo ah labo maalin ka hor marka la furayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga islamarkaana uu kaga hadlo xaaladda dalka iyo shaqadda baarlamaanka u taala kalfadhigaan.

Ilo-xog ogaal ah ayaa sheegay in labadda gole ee Baarlamaanka Soomaaliya wada jir uu Madaxweynuhu u furidoono, si ka badalan sanadkii hore oo gaar-gaar loo furay kalfadhiyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here