14 October: Axmed Madoobe, “xasuusta weerarkii Soobe waxay nagu dhiiri galineysaa dadaalada nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in weerarkii 14-kii October 2017 ay Al-shabaab dadka ku xasuuqeen uu mudanyahay in looga jawaabo howgallo iyo dagaal mideysan oo lagu qaado Al-shabaab.

Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray dadkii ay ehelkoodu ku dhinteen ama lagu waayay weerarkii Soobe waxana uu sheegay in xasuusta weerarkaasi ay dhiiri gelineyso dadaaladda nabadda iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee sanadkii 2017kii Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee isgooyska Soobe waxaa ay nagu dhiiri gelineysaa sida ay muhiimka u tahay dadaalada nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada  in si wadajir ah looga wada shaqeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas waxaana uu xusay  in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay.

Laba sano ayaa laga joogaa markii dad ku dhow 1000 qof ay mar  qura dhimasho iyo dhawac noqdeen Isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here