Madaxda dalka oo mushaarkooda ku deeqay dadka dhiban

Madaxda dalka ugu sarreysa ayaa mushaarkooda bishaan ku deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka.

Talaabadaan ay madaxdu qaadeen ayaa imaaneysa kadib markii uu Madaxweyne farmaajo ku booriyay in Xukuumadda iyo Xildhibaanaddu ay lacag u jaraan dadka dhiban.

Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaasha Baarlamaanka Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal-iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa mushaarkii ay qaadan lahaayeen bishaan October ku daray gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan Goboladda dalka.

War ay baahisay SONNA ayaa u qornaa sidan ” Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo R/wasaaraha Dalka ayaa mushaharaadkoodi Bisha Oktoobar ugu deeqay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen, waxaana lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka”.

Xaalad adag oo u baahan gurmad deg-deg ah ayaa ka jirta magaalooyin ay ugu horreyso Baladweyne kadib markii ay biyuhu harqiyeen.

Waxaa xusid mudan ilaa hadda aysan magaaladda Muqdisho ka bixin guddiga gurmadka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here