Abaabulka dibad-baxyo ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka socda Garbahaarey

Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa guud ahaanba maanta ka jirin wax dhaq-dhaaq gaanacsi ah, iyadoo xaalada guud ee degmada ay saakay ka badalantahay sidii ay ahaan jirtay.

Dad aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalada, waxaana lagu wadaa in goor dhaw uu ka dhaco banaanbax looga soo hor jeedo caleema saarkii Axmed Madoobe ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah maamulka Jubbaland.

Waxay dhamaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Garbahaarey soo xireen goobahoodii ganacsi, iyagoo abaabulaya banaanbaxyo ay uga soo horjeedan caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here