Abiy Ahmed oo ka hadlay rabshadaha ka socda qaar ka mid ah gobolada Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay waxaa uu si kulul uga hadlay rabshadihii ka dhacay dalkaasi.

Abiy Ahmed ayaa waxaa uu sheegay inuu ugu horeyn ka tacsiyeynayo dadkii Ku dhintay rabshadihii ka dhacay dalka Itoobiya, isagoona tilmaamay inuu aad ugu xun yahay wixii ka dhacay dalkaasi

R/wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uu aad ugu murugooday markii uu ogaaday dhibka dhacay, waxaa uuna shaaca ka qaaday in guryo badan lagu la gubay , islamarkaana aad u fara badan la boobay,dad la laayay,qaar la barakiciyay, Kuwa kalena waxyeelo kala duwan soo gaartay, isagoona sheegay in arintaasi aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale R/wasaaraha dalka Itoobiya ayaa wacad Ku Maray inay sharciga horkeeni doonaan dadkii ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalka Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here