Abshir Bukhaari: “Maxey dowladdu ugu gurman la’dahay dadka reer Beledweyne”

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Axmed Buqaaari ayaa waxa uu ka hadlay fatahada Wabbiga Shabeelle uu ka geystay deegaano kamid ah gobolada dalka taa oo sababtay in dad badan ay guryahooda iskaga  ka barakacaan.

Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Sanatar Buqaari ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaro  dadka ku nool magaalada Beledweyne oo xaalad aad u liidata ay ku heesato bananka magaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka qalka sare  aaya ka dhawajiyay  in Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed,  waajib ku tahay hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed  ku eedeeyay in aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Guddoomiyaya Ku xigeenka Koobaad ee aqalka sare oo qoraal dheer arintaan kuga hadlayay waxa uu xuukumada Soomaliya ku eedeeyay in aysan waajibad gar ah aysan iska saarin arimaha masiibooyinka ah balse ay diirada marwalbo saarto arimaha siyaasada

Hadalkaan ayaa ku soo adaya iyadoo deegaano kamid h gobolka Hiiraan uu ku fatahay wabiga Shabeelle

Dadkii ku nolaa xafadaha Baladweyne oo ka barakacay ayaa hada waxa ay xaalad adag ku heesataa Duleedka magaladasi oo ay deegansaden 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here